Ku soo dhawow Hoyga Dhaqanka Somalida

Habeen La isla Caweeyey Miyaa jacaylku maxaad ka taqan

Warsame
Home
warsame
Heeso
ma dhabaa jacayl
hablaha Somalida
Maxaa Cusub
Somali chat qoraal ah
Hargeisa
Mucjiso Gabadh ilaahay Badalay
Cilmi Boodhari

Walaalayaal ku soo dhawaada gurigayga kulayl qaboow maxaad cabaysiin? ha is martiyaynina walaalayaal waxaan ugu tala galay gebi ahaanba pagekani in looga hadlo oo la isku dhaafsado qof waliba aragtida uu ka qabo jacalka marka please feel free every body inuu ka hadlo aragtidiisa.

Culimada Aduunka, Caafimaadka baartay, Cudurada la dabbargoynayo, Caashaqa ha lagu daro” Abwaan Maxamuud Tukaale wuxuu bilowgii sanadihii toddobaadyameeyadii ka codsaday aqoonyahanada adduunka, gaar ahaan kuwa baara cudurada aadamiga ku dhaca in cudurka Caashaqa la yiraahdo ay u helaan dawo lagu daryeelo. Abwaan Tukaale weliba intaas wuxuu ku daray, gabi ahaanba in cudurka Caashaqa la yiraahdo lagu daro cudurada Adduunka ee la dabbargoynayo! Haddaba Jacaylku ma dhabaa, mise waa…Dhalanteed? Ma Cudurbaa mise waa.. ? Hadduu cudur yahay dawo ma leeyahay?

Waa tan qalin lagu xariiqay, garyaqaano badan ka doodeen, qoraalo badan oo kale gedisana lagu qoray. Markey wiil iyo gabar qaangaar dareen jaceyl ahi galo, wuxuu mid walba is-weydiiyaa waa maxay jacayl? Ma jiraa jaceyl? Talow ma dhabaa mise waa dhalanteed.....?

Balse carruur iyo ciroole intuu Caadil abuuray wax bay cashaqaan, iyadoo weliba lagu kale dareen duwan yahay oo fikrado qalifsan lakala aamminsan yahay. Waa tan wiilka iyo gabadhu ay wada qoslaan, oo waxyaabo qaas ah mararka qaarkood ay is-dhaafsadaan. Kolkuu wiil jeclaado gabar oo uu quruxdeeda la dhaco, dabadeedna dib u milicsado wejigeeda ayuu wadnaha qac yiraahdaa, oo quwad dahsoon ee aan muuqan dhankeeda u jiidataa, indhahana kor u tagaa, sidii qof nafta laga siibayo oo kale. Waxaa ka soo daata, oo shabax ka soo yiraahda wejigiisa iyo oogadiisa oo dhan dhidid kulul, isagoo daaqadaha ku gadooda, si uu u helo neecow qabob oo qancisa naftiisa kulul. “Alla yaa tan hal habeen la caweeya, oo gaari qaali ah ku qaata” Ayuu uurka ka yiraahdaa.

Raggu waa seef la bood, hadba tii ay arkaan oo bilicsan bey yiraahdaan “Allaylahe! Waa tan tii aan doon-doonayay” Dumarkuse waa seef la qaad hadba kii u af-macaaneya ayey yiraahdaan “Allaylahe! Waa kan kii aan baadi-goobi jiray”.

Alla qurux badanaa ma xuural-ceyntii Janadaa?. Tani maba’aha tii uu iskuulka ama shaqada ku arki jiray, hadalo aan loo baahneyn ayuu ku hantaaqdaa, “Maxaad halkaan ka qabaneysaa, xaggee deggen tahay” uun buu la soo boodaa, goortay indhihiisa qabtaan inan ilwaad qurxoon. Khayr laawe! Waa inantii deriskiina ahayd, ee gurigga idinka soo horjeeda degneyd. Kolkaad miyir beesho, oo qalbigaagu si xun u qayirmo ayaad mar kale is tiraahdaa “Alla nasiib badnaan laheydaa haddii aad qoftaan maalin kula saan-qaadi laheyd, hal qol ka soo wada toosi laheydeen, oo aqalka kuu dhex joogi laheyd, sidii gabar yar oo makhbiya ah oo kale” Intaad dib u soo baraarugta ayaad qosol aan lagula wadaagin gashaa. Waxaad jeclaataa arageeda, meel walba oo ay joogta ayaad ku meer-meeraysataa; Telefan wacid ayaad ku waalataa, qof weliba oo aad taqaanid ayaad wanaageeda uga sheekeysaa, qofka aan iyada garaneynin waxaad ku qasabtaa inaad bartid ama sawirkeeda tustid, kii kugu caayo oo aan amaanin iyada ayaad la calowdaa, oo saaxiibtinimada u jartaa.

Alla Jaceylku dhib badanaa, oo muxuu yahay?. Sidiisaba, Jacaylku ma dhabaa, mise waa dhalanteed? Waxaa kugu soo kordha wel-wel faro badan, dareen joogta ah, niyad jab, tabar dari, daal, cuntada oo aad ka soonto, oo aadan waxba dhadhamin; naftaada oo aad daryeeli weydo; xanaaq badan oo aadan garaneynin meel aad ka keentay; dabeecad qalafsan, iyo dadka oo hadalkooda ku dhiba, gaar ahaan dumarka ha u badnaadeene.

Waxba yaanan hadal kugu daalin, anigu ma’ihi Dektoorkii Jaceylka, laakiinse jaceylku waa wax jira oo dhaca maalin weliba, saacad walba, daqiiqad iyo il-biriqsi walba, kana dhaca goob weliba dunida afarteeda dacal. Markaad dib u milicsato qoraalkeyga ayaad oranaysaa:“Alleylahe Waa runtii ama maye anigu ma aamminsani waxa u sheegayo . Kolkaadse ereyadeyda hal-hal u aqriso oo maskaxdaada ku dhacaan baad wareertaa, dhulkuna kula wareegaa sidii adiga oo wiifoow saaran oo kale. Kursigaaga xejiso, oo ha ka dhicin. Waxaa sii kordha is-garaaca wadnahaagga; biyaha cabistooda ayaad basataa; gacmaha ayaa ku gariira sidii ruux ay la-leemo ku dhacday oo kale; waxaani waa jaceyl wuu ka burji weyn yahay, kana quwad weyn yahay, ka dibna cistibaal iila carara tiraahdaa. Waxyaabaha kaa sii waalo oo xiiso hor leh kugu beera, waa arageeda oo si joogta ah aad u aragtaa. Waxa kale oo kaa sii waala mar qof iyada yaqaan uu kaga sheekeyo. Waxa macquul ah qofka aad sidaan u doon dooneysid inuusan kaa war qabin inaad tahay qof jira oo jecel. Xubnaha jirkiisa oo jajabo nasasho la’aan awgii, dabadeed intaad is hayn kari weydo ayaad waxaad ku dhuumataa gidaarada ama meelaha ubaxa leh ee dadku ku nastaan.

Kolkaad haween dhoola-cadaynaysa aragtid ayaad waxaad iska dhaa-dhacsii inay iyada tahay, weliba iyadoo ku leh:“Gacaliye, maxaad qabaneysaa galabta” Degdeg intaad u soo haado ayaad tiraahdaa “Gacaliso, waxba ma qabanayo, halkaan ayaan u soo nasasho tagay, ee xaggeen aadnaa” goortay ku dhaaftay maba garatid, qof kula hadlayay iyadaba ma’ahayn waa niyadaadii oo isla hadlaysay ee KA BUL-DHEH……Sidaas ayaad ku garataa inuu Jaceylka dhab yahay, cudur xun ee aan daawo laheyn yahay ee kuwaan aamisneyn, waa kuwa habeen weliba telefonka ku calaacala, oo nafsadoodii qiyaamay. Kolkey goobaha dhalinta ku kulmaan aragtid ayay yiraahdaan saaxiib anigu ma aaminsani jaceylka inuu dhab yahay oo uu jiraba.

moodaran_1@hotmail.com

I Love you warsame this is a specail website warsame has been prepared this site welcome with open hands